Boqolaal kamid ah Barbaarta Shaqo Qaran ee ku sugan Maroodi Jeex oo uu hogaaminayo Ag. Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran ayaa si hagar la'aan ah uga qaybgalay nadiifinta suuqa Waaheen halkaas oo ay ku qaabileen Guddiga H. Qaran ee Gurmadka & Taakulaynta Waaheen & masuuliyiinta DHH.
Imtixaan loogu tartamayay kamid noqoshada dufcadda 4aad ee Shaqo Qaran ayaa shalay si rasmi ah uga bilaabmay gobolada Somaliland, imtixaankan oo ay u fadhiisteen in ka badan 6000 oo qof ayaa ku soo dhamaaday qaab hufan. #ShaqoQaran2022
Goobaha imtixaanka lagu gali doono & wixii faahfaahin ah ee kale, waxay ardaydu kala xidhiidhi doonaan xafiisyada waxbarashada ee gobolada dalka ee ay ku kala sugan yihiin, halkaas oo ay ka heli doonaan liiska/magacyada ardayda galaysa imtixaanka & goobaha ay ku kala gali doonaan
Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka JSL waxa uu ogaysiinayaa ardaydii soo codsatay in ay ka mid noqdaan ardayda u fadhiisan doonta imtixaanka dufcadda 4aad ee Barnaamijka Shaqo Qaran, in imtixaankaas la geli doono maalinta Khamiista ee ay taariikhdu tahay 10/03/2022. #ShaqoQaran2022