Bareeraha aan laga bayrin!
Dadka Soomaaliyeed ee deggan Muqdisho — sida magaalo kasta oo dalka ka mid ah — ee si adag u maareeya noloshooda maalinlaha ah, iskana bixiya adeeg kasta oo dowlad looga baahnaa sida caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale, ma aha inay mar kale aqbalaan in dushooda lagu dagaallamo iyadoo xukun la doonayo ama la xagsanayo.
Nin xil haya, mid soo qabtay iyo mid doonayaba, wixii siyaasad ay isku hayaan ha isku hayaan. Qalin iyo warqad ha ku tartamaan, cod sanduuq ama mid gacan taag haku loollamaan, ama hannaan kasta oo sharci ah ha adeegsadaan — laakiin dagaal mar dambe looma dulqaadan karo.
Wiilka xabbaddu disho ama dhaawacdo, dhibkiisu wuxuu u yaal hooyo, aabbe, iyo qoys Soomaaliyeed. Siyaasi xukun-hayow ama mid doonayow, inta aad carruurtaada dibedaha u dirsatid waxbarasho iyo nolol wanaagsan u sameysid, ha isku dayin inaad wiilal Soomaaliyeed isku baabi’iso.
Dad abaar, darxumo iyo duruufo adag la ildaran, ninka aan u diirnaxayn ee qori wax ku doonaya ama ku talo jira inuu damaciisa ku taliyo ha ogaado shacabka Soomaaliyeed mar dambe ma rabaan dhiig cusub oo qubta.
Xusuusnow: xukun waa imanayaa wuuna tegayaa, laakiin dhiigga daata waa xusuus aan dhammaan.
Isla xisaabtan wuu imaan doonaa — adduun iyo aakhiro.
Gudidii Is Diidee
Gashii Kala Dhex Yaaloo
Oo Geeri iyo Dhiig
Garta Inay Dagaalaan.
Ee Geedi Kala Rara
Uurku Maarku Kala Galo
Garta ina Sanweyna Loo Geysan Jiree
Gaasiraay Inaga Inaga Yayna Kala Guraaya.