Madaxweynaha Jamhuuriyada waan ku boogaadinaynaa dadaalka iyo garab galka joogtada ah ee uu siinayao labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug, isagoo furimaha dagaalka naftiisa gaynaya.
Waxaanse Madaxweynaha xusuusinayaa, xilka loo dhaariyey wuxuu farayaa inuu garab iyo gaashaan u noqdo dalka oo idil. Sidaas awgeed, waxaan u soo jeedinayaa inuu usoo jeesta dhanka Koonfur Galbeed iyo Puntland.
Madaxweynaha hal mar hana tuso isagoo si isku mid ah uga hortagaya argagixisada dhibta ku haya meelo kala duwan oo dalka kamid ah.
Fadlan soo booqo furimaha kala duwan ee Jamhuuriyada, saxna maahan in qorshaha dagaalka lagu soo koobo laba deegaan oo kaliya muddo ku dhaw saddex sano.
بسم الله الرحمن الرحيم
Waxaan fursad u helay in uu isoo gaaro daacabadii koowaad ee Buuga Sooyaalka Suubanaha (NNKH) ee uu qoray @FahadBinYasin akhrintiisana aan dhameeye.
Buugaan waxa uu ku qoran yahay Af Soomaali wali hab qoraal cajiib ah oo kuu sahleysa in aadan ku dhibtoon fahamka Sheekooyinka Sooyaalkii wanaagsanaa ee Suubanaha waxa uuna ka kooban yahay 11 Cutub.
Sidoo kale waxaa kaga maarmi doontaa raadinta buugaan kala duwan maxaa yeelay buugan waxa uu isku keenayaa dhamaan taariikhdii Suubanaheena NNKH, dhalashadiisii ka hor sida ay dunida aheyd ilaa maalintii uu xaqa u yimid ee uu dunida ka tagay ayna hirgashay dowladii Islaamka xaruntana u aheyd Magaalada Madiina oo ah meesha lagu aasay Nabigeena NNKH.
Waxaan kula talinayaa qof walba aan wali akhrin ama siyaabo kale u akhriye siirada Suubanaheena NNKH in uu buugaan raadiyo kana faa’iideysto.
Jimca wanaagsan.
Hooyaday Xaliima Saciid bay ahayd qofkii ugu horreeyey ee i xafidsiiyey magaca Suubanaha ﷺ oo saddexan (Muxamed Binu Cabdulaahi Binu Cabdul Mudhalib).
Waxaan buugan u hibeeyay Aabahay Sheekh Muxumed-Yaasiin Xaaji Daahir. Nuqulka koowaad waxaan u saxiixay xaaskayga, maadaama ay ii abuurtay jawigii ku habboonaa ee ii sahlay wax qorista.
Shirkadda Daabacaadda ee Daarul-Cilmi ayaa idin la soo wadaagi doonta goobaha laga heli karo. Waxaan Eebe ﷻ ka baryayaa inuu buuggan barakeeyo, akhristuhuna ka faa’iidaysto.
Honored to present my credentials to President Asif Ali Zardari as the Somali Ambassador to Pakistan.
Excited to explore this beautiful country and strengthen our ties!@MOFASomalia @AAliZardari@ForeignOfficePk@TheVillaSomalia
It’s time for International Community to review the management of lifting of the arms embargo for Somalia after Cowsweyne disaster &now Raskamboni national humiliation. The sole responsibility for the latter lies with FGS.
Clearly, FGS doesn’t know its priority which’s worrying.
𝙔𝑨𝘼 𝙄𝑰𝙂𝑨 𝑱𝘼𝑾𝘼𝑨𝘽𝑰 𝑲𝘼𝑹𝘼 𝙎𝑼’𝑨𝘼𝑳𝘼𝑯𝘼𝑵?
Sharciga Doorashooyinka ee lagu dhisay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Dastuurka 4ta Cutub laga badashay waxaa wax ka saxiixay qof ay Maxkamad ku eedeysay inuu galay khiyaano qaran iyo inuu shisheeye u adeego.
𝐇𝐚𝐝𝐝𝐚𝐛𝐚 𝐬𝐮’𝐚𝐚𝐬𝐡𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲;
Madaxda Dowladda Federaalka goormay ogaadeen inuu yahay khaa’inul wadan? Ma saxiixa ka hor mise keddib?
Shuruucda iyo heshiisyada uu wax ka saxiixay suuragal ma tahay ineyba ahaayeen shirqoollo shisheeye usoo dhiibtay?
Qof ay Maxkamad ku eedeysay khiyaano qaran, dhaqan gal ma noqon karaa saxiixiisa?
𝑴𝙐𝑪𝘼𝑨𝙍𝑨𝘿𝑲𝘼 𝙃𝑨𝙇 𝘽𝑨𝘼 𝙎𝑬𝙀𝑮𝙏𝑨𝙔, 𝑾𝘼𝑳𝙄𝑺𝙀 𝘿𝑨𝘽𝑨 𝑸𝘼𝑩𝘼𝑺𝙃𝑬𝙀𝒀 𝑳𝙀𝑬𝙔𝑰𝙃𝑰𝙄𝑵
Waxaa qurux badan in doodaha mucaaradka ay ku qotomaan afkaar iyo aragtii ee aysan noqonin mucaradnimo soo taagan kaliya.
Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh lagu diidan yahay hirgalinta dastuur aan la isku raacsanayn iyo doorasho aan heshiis lagu ahayn, sidee baa loogu hambalyeynayaa Axmed Madoobe, oo la ogyahay inuusan qabanin doorasho xalaal ah oo hufnaan iyo wada tashi aan ku dhisnayn, isagoo baddalay dastuurkii Jubaland, uuna toshay shaar la eg oo u ogolaanaya inuu xilka u tartamo laba jeer wax ka badan.
Mucaaradnimo ku dhisan ku xumayn waxay dhashaa inaad lumiso jihaynta siyaasada, saxna maahan iney dhaqan noqoto in la taageero maamullada markay sharciga ku tumanayaan, iyadoo haddana Dowlada Federaalka lagu maagayo markay ku kacdo isla ficilladaas.
Waxaa ku habboon mucaaradka aragtiyadooda inay dhinac isku raacdo oo ay mabaadii’ ku saleysan yihiin si mowqifkooda iyo qowlkooda loogu kalsoonaado. Waxaa iga su’aale goormaan gaaraynaa mucaarad ku dhisan qiyam iyo mabaadi’ joogta ah?
Xanuunka ay leedahay mucaaradnimo noocaas ah waxaa laga warsan karaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta dhibbane u ah khudbadihiisii waaguu mucaaradka ahaa.
At the 2nd and now 3rd day of the annual heritage institute conference held in Djibouti.
It was an honor to unveil my new book “ Macallinkeen Allow Kaal” here at the conference. A book on the history of education in Somalia written in Somali for Somalis.
#MacallinkeenAllowKaal #HeritageForum @YasminForAll@Luunge1@AmbAmerico #Somalia
Keddib doorashadii 2017 oo aan isku difaac ku jirnay iyo tii 2022 oo aan kala aag noqonnay, waxaan caawa dib isula qiimeynay tagtadii iyo timaadadaba walaalkay @omaarihussein, Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir, annagoo isla garawsannay inaan mar kale mataaneyno qorshayaasheenna xilliga dhaw iyo kuwa fog.
Waxaan magaalada Ankara ku kulunnay Saaxiibkeey Shariif @SherifAbdinur oo aan sanadkii 2016/17 wada raacnay Gaarigii Toyota Coaster-ka ahaa ee Danta Dalka iyo Dadka, aana ku kala leexannay doorashadii 2022, balse haatan aan isla guddoonay inaan isku safar noqono.