Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaa munaasabadda 26-ka Juun ee sanad guurada 65ad ee ka soo wareegtay markii ay xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska gobollada Waqooyi ee dalka
Ramadaan Kariim
Bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta kale ee caalamka.
Bilashada bishan barakaysan ee Ramadaan waxa ay xambaarsan tahay khayr badan, waxaana Alle ka baryayaa inuu naga aqbalo soonkeena, salaadeena iyo ducadeena, nagana dhigo kuwa Ramadaanka dambi-dhaaf iyo naxariis ku hela. Sidoo kale, waxaan Alle ka baryayaa inuu dalkeena ku mannaysto nabad iyo barwaaqo waarta.
Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay gacan u fidiyaan qoysaska iyo dadka danyarta ah ee u baahan kaalmo iyo garab istaag, si aan wadajir ugu faa’iidaysanno barakada iyo ajarka maalmahan khayrka badan.
Ugu dambeyn, waxaan ku boorrinayaa shacabka Soomaaliyeed in ay si buuxda u garab istaagaan Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ee xilligaan adag dagaalka kula jira cadowga Khawaarijta ah, kuwaas oo har iyo habeen u taagan sugidda amniga iyo difaaca shacabka.
Wasiir ku xigeenka Maaliyada XFS ayaa shaaca ka qaadey lacago loogu tala galey mashraac kab miisaaniyadeeda ah, toos loogu shubey qasnada #Puntland mashaariicdana u hor istaag ku sameeyey madaxweyne #Deni
Xogta aan ka helney safarka taliyaha Ciidamada #Ethiopia ku yimid magaalada #Godey ayaa ah soo dhaweynta Ciidamada Ethiopia ee ka baxey Magaalada #Maxaas ee Gobolka #Hiiraan, kuwaas oo Difaacyo iyo saldhigyo cusub ka sameysanaya #Feerfeer