The launch of the Somali version of my book "Between Somaliland and Puntland" (2015) with a new foreword, called "Muranka Xuduudaha" (2026) happened in a very nice way in Lasanod today, thanks to Faatix Cabdiraxmaan and his team! Aad ayaad u mahadsan tahay.
It is likely that a new military base for the Somali National Army will be established near Lasanod. This would mean progress for those supporting a united and stable Somalia. In the face of accelerating interferences from outside, including UAE and Israel in Puntland and Somaliland, and the looming threat emanating from a messianic leadership in Addis dedicated to the spread of a new imperial vision of Ethiopia, it is important to take Soomaaliniimo seriously. Beyond clan differences and personal ambitions, there needs to be an idea of Somalis working for Somalis and for Somalia. Otherwise, there is a real risk that Somalia will be parcelled and partly extinguished from the map. People in the North East state of Somalia have understood this. They stand for Somali unity, against all odds.
📍Geerisa, Guban Somalia 🇸🇴
Qorshihii Jabhadda Gacan Libaax ee fashilmay muxuu ahaa? Halkee ayayse wax marayaan?
Qorshaha Jabhadda Gacan Libaax ayaa ahaa in ciidan badan lagu soo daabuleeyo Geerisa, ka dibna caawa guri-guri loo baadho magaalada, wixii ragga ahna la qabqabto, oo la xidhxidho.
Hase yeeshee, qorshahaa ayaa la ogaaday. Dhalinyaro badan ayaa magaalada ka baxay, gurmad kalina uu soo gaadhay.
Sidaas ayaanu Ciisuhu magaalada Geerisa u hareereeyeen.
Ciidan Somaliland ah oo dhinaca Garbaha ka soo baxay ayaa iyagana dhexda loo galay, waxaana lagu qasbay inay halkii ay ka yimaadeen dib ugu noqdaan.
Dhanka kale, qayb ka mid ah ciidanka Jabhadda Gacan Libaax ee ka soo jeeda Bariga ayaa la sheegay inay gadoodeen, iyagoo hub noocyo kala duwan ah cirka u riday. Waxayna ku dhawaaqayeen, “Dagaal ma rabno.”
Arrintaasi waxay keentay in dhammaan ciidankii Jabhadda Gacan Libaax saldhigga lagu xareeyo, isla markaana la codsado xabbad-joojin.
Waxayna la soo xidhiidheen cuqaasha Ciise ee Geerisa, kuwaas oo shir ka yeeshay xaaladda iyo codsiga ka yimid Jabhadda Gacan Libaax.
Wixii warar ah ee ka soo kordha, halkan kala soco.
✍🏾 Deegaan Media
#GUBANSTATEOFSOMALIA🇸🇴
#DjiboutiCiise #SaylacCiise #DiriDhabeCiise #SittiCiise